Real Madrid Oo Heegan Galisay Man United & Raphael Varane Oo Sabab U Ah.

Real Madrid Oo Heegan Galisay Man United & Raphael Varane Oo Sabab U Ah.


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga Raphael Varane iyaga oo waliba diyaar u ah in ay ku iibiyaan lacag dhan 70 milyan oo euro hadii uuna daafacu heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa kooxda Los Blancos u saftay in ka badan 350 kulan tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray.

Heshiiska Varane ee Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga 2022 xiddiga iyo kooxda ayaana ku dhibaatoonaya in ay ku heshiiyaan heshiis cusub.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay iska iibiso Varane xagaaga hadii uu diido in uu kooxda heshiis cusub u saxiixo.

Kooxda Man United ayaa taageero weyn u ah xiddiga Varane waxana lala xidhiidhinayay saxiixiisa sanadihii ugu dambeeyay.


Source: laacibfm.com

SHARE