Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Real Sociedad

Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Real Sociedad


Kooxda Real Madrid ayaa tababarka maanta ku soo dhawaysay xiddigaha Rodrygo Goes, Fede Valverde, Marcelo & Alvaro Odriozola kuwaas oo ka qayb qaatay tababarka buuxa ee kooxda.

Zidane ayaa sidoo kale kooxdiisa tababar siin doona Axada si uu ugu diyaariyo kulanka ay ciyaari doonaan Isniinta.

Rodrygo ayaa kooxda ka maqnaa tan ilaa markii uu dhaawaca muruqa ah ka soo gaadhay kulankii Granada ee Bishii December.

Si kasta ha ahaatee xiddigaha Eden Hazard iyo Karim Benzema ayaa ka maqnaa tabbarka buuxa iyaga oo qaatay tababar kali ah.

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa kulanka adag ee ay Isniinta la ciyaari doonto kooxda Real Sociedad kana tirsan horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE