Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kooxaha Chelsea Vs Man United Ka Hor Kulankooda Premier Legaue.

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kooxaha Chelsea Vs Man United Ka Hor Kulankooda Premier Legaue.


Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa fooda isku dari doona Stamford Bridge kulan ka tirsan horyaalka Premier League todobaadkii 26-aad.

Blues ayaa dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa tan ilaa markii uu Thomas Tuchel yimid kooxda iyada oo aan koxda wali laga badin.

Tuchel ayaa mari doona tijaabadiisii ugu horaysay marka uu marti galin doono kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Man United.

Red Devils ayaa ka fogaatay horyaalka todobaadyadii ugu dambeeyay laakiin waxa ay doonaysaa in ay cadaadiska ku sii hayso kooxda Man City.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo badan oo heer caalami ah kana mid ah kuwa ugu fiican premier Legaue iyo adduunkaba.

Labada tababare ayaa isaga hor iman doona xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira si ay ugu dagaalamaan 3-da dhibcood oo koox walba muhiim u ah.

Hadaba wargayska The Sun ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee labada koox ka hor kulankooda horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay Chelsea ku leedahay kaliya 4 xiddig.


Source: laacibfm.com

SHARE