Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Sevilla Vs Barcelona Ka Hor Kulankooda La Liga.

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Sevilla Vs Barcelona Ka Hor Kulankooda La Liga.


Kooxda Barcelona ayaa kulan adag la ciyaari doonta kooxda Sevilla kulan Ka tirsan horyaalka La Liga si weyna loo sugayo marka laga hadlayo taageerayaasha labada kooxood.

Barcelona ayaa doonaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay kaalinta 2-aad ka gasho horyaalka La Liga ka hor inta ayna Real Madrid ciyaarin Axada.

Kooxda Sevilla ayaa dhankeeda doonaysa in ay Barcelona kala baxdo kaalinta 3-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda Barcelona.

Labada kooxood ayay ku jiraan xiddigo cajiib ah oo heer sare ah kana mid ah kuwa ugu fiican horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Mail ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda maanta ee horyaalka La Liga.

Arinta la yaabkaleh ayaa ah in ay Sevilla shaxda ku leedahay xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay Barcelona ku leedahay kaliya 4 xiddig.


Source: laacibfm.com

SHARE