Sheffield United Vs Liverpool : Reds Oo Ay Qabsan Karto Fadeexo 68 Sano Ka Hor Ay Ugu Dambeeysay

Sheffield United Vs Liverpool : Reds Oo Ay Qabsan Karto Fadeexo 68 Sano Ka Hor Ay Ugu Dambeeysay


Liverpool ayaa kulankaan  galeysa iyadoo la filayo in kabtan Henderson uusan diyaar u aahanin kaasi oo laga yaabo in uu garoomada ka maqnaado tan iyo April .

Jota ayaa laag yaabaa in kulankaan uu ku lug lahaado  halka Fabinho iuo Milner ay tababarka ku soo laabteen sabtidii balse goolhaye Alisson weli lama ogaan kaasi oo xaalad adag maraya ka dib geeri ku timid aabihii todobaadkaan

Xogta Kulanka

  • Liverpool iyaga ayaa badiyay  afartii is arag ee ugu dambeeysay ee horyaalka
  • Markii labaad ee is xigta ayay Sheffield ku hor kufi kartaa Liverpool iyadoo horyaalka la joogo tan xilli ciyaareedkii 1921/22-dii
  • Kooxda martida loo yahay kama aysan badin Liverpool tan iyo April sanadki 1994-tii xilligaas oo Liverpool lagu garaacay 2/1
  • Sheffield United ayaa ah kooxdii ugu horeeysay ee taariikhda horyaalka ee guul dareysata 20 kulan oo qeyb ka ah 25 kulan ee ugu horeeya .
  • Liverpool ayaa halis ugu jirta un kulankii 5-aad ee xariira ah oo horyaalka ah in ay guul dareystaan markii ugu horeeysay taariikhda  tan  September sanadkii 1953-dii


Source: laacibfm.com

SHARE