Willian Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Chelsea

Willian Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Chelsea


Xiddiga kooxda Arsenal ee Willian ayaa qirtay in uu aad u doonayay in uu sii joogo chelsea laakiin markii uu ku fashilmay in uu heshiis la gaadho Blues uu go’aansaday in uu ku biiro Arsenal.

Xiddiga reer Brazil ayaa qaab xor ah ugu soo biiray Arsenal xagaagii kadib markii uu ku fashilmay in uu heshiis la gaadho kooxda chelsea.

Xiddiga Willian oo 32 jir ah ayaa qirtay in uuna ku biiri lahayn Arsenal hadii ayna chelsea diidin in ay heshiis ka saxiixato xiddiga.

“Waxa ay ahayd arin adag in go’aan gaadho, ma ahan wax fudud”ayuu Willian u sheegay UOL.

“Sababta oo ah xafiiltanka labada kooxood ayaa ah mid aad u weyn”.

“Go’aan fudud ma ahayn in aan chelsea ka tago kuna biiro Arsenal laakiin aad ayaan uga fikiray”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan doonayay in aan sii joogo chelsea waliba u saxiixo heshiis 3 sano ah laakiin chelsea ayaa 2 sano ii soo bandhigtay kadib waxa aan go’aansaday in aan isaga tago”.


Source: laacibfm.com

SHARE