Xiddiga Ay Liverpool U Calaamadsatay Badalka Georginio Wijnaldum Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Reds.

Xiddiga Ay Liverpool U Calaamadsatay Badalka Georginio Wijnaldum Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Reds.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Florian Neuhaus ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

23 jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xilli ciyaareedkaan kooxda ka dhisan Bundesliga isaga oo dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 4 kale 24 kulan tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Neuhaus ayaa lagu amaanay xiddig tayo leh waliba lagu taageeray in uu noqdo xiddig muhiim ka noqda xulka qaranka Germany sanadaha soo socda.

Waa xiddig ka ciyaari kara dhawr boos isaga oo awood u leh in uu ka ciyaaro khadka dhexe ee weerarka iyo waliba khadka dhexe ee daafaca waxana uu si joogto ah ugu ciyaaraa kooxda muddo 4 sano ah.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka fikiraya in uu xagaaga dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa kadib markii ay kooxdu qaab ciyaareed xun soo bandhigtay xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa xiddiga Neuhaus u calaamadsaday badalka tooska ah ee Georginio Wijnaldum kaas oo qaab xor ah uga tagi doona kooxda Liverpool xagaaga.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in uu xiddiga Florian Neuhaus diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Liverpool si uu badal ugu noqdo xiddiga Georginio Wijnaldum


Source: laacibfm.com

SHARE