“Xiddigaha Chelsea Dhabarka Ayay Kaa Toogan Doonaan”Gary Neville Oo Thomas Tuchel Uga Digay Xiddigaha Chelsea.

“Xiddigaha Chelsea Dhabarka Ayay Kaa Toogan Doonaan”Gary Neville Oo Thomas Tuchel Uga Digay Xiddigaha Chelsea.


Gary Neville ayaa rumaysan in uu Thomas Tuchel horumarin doono xiddigaha kooxda chelsea laakiin waxa uu u sheegay in uu halka dambe indho ku lahado hadii uu doonayo in uu ka sii shaqeeyo Chelsea.

Chelsea ayaan wali wax guuldaro ah la kulmin tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda isaga badiyay dhamaan kulamada ay ciyaartay kooxdiisu marka laga reebo 2 kulan oo ay bar-baro galeen.

Tuchel ayaahaatan wajahaya tijaabadiisa ugu adag ee premier League isaga oo Axada la ciyaari doona Man United ka hor inta uuna Khamiista dambe u safrin Anfield si ay kooxdiisu ula ciyaaro Liverpool.

Neville ayaa amaanay wax qabadka Tuchel ee ilaa haatan laakiin u sheegay in aan la siin doonin fursad uu saamayn weyn ugu yeesho kooxda sanadaha soo socda.

Markii la waydiiyay in uu Tuchel qaab ciyaareed fiican ka soo saari doono xiddigaha chelsea ayuu yidhi”Haa, waan u malaynayaa”.

“Waxan u malaynayaa in ay xiddiguhu wakhtigan haatan jooga u baahanyihiin tababare cusub laba sano oo kasta”.

“Waxan u malaynayaa in ay chelsea haysato xiddigo fiican laakiin Tuchel waa in uu is ilaaliyo sababta oo ah xiddigaha chelsea dhabarka ayay ka tooganayaan”.

“Waxan u malaynayaa in ay xiddigaha chelsea sabab u noqdeen in shaqada laga caydhiyo tababarayaashii hore ee chelsea uguna dambeeyay Frank Lampard”


Source: laacibfm.com

SHARE