Arsenal Oo Garaacday Leicester City Kuna Soo Laabatay Wadada Guulaha Premier League.

Arsenal Oo Garaacday Leicester City Kuna Soo Laabatay Wadada Guulaha Premier League.


Kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ay Wiilasha Mikel Arteta soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.


Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si ayna Taageerayaasha Arsenal doonayn iyaga oo ku bilowday si aad u hoosaysa taas oo Leicester City fursad u siisay in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 6-aad ayay Leicester City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Youri Tielemans kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Arsenal oo looga naxsaday goolka deg-dega ah ayaa bilowday in ay hurtada ka kacdo iyaga oo bilaabay in ay maamulaan ciyaarta.

Kadib goolka Leicester City ayaa difaaca gashay iyaga oo doonayay in ay adeegsadaan weeraro rogaal celis ah laakiin daafaca Arsenal ayaa si fiican shaqadooda u qabsaday.

Kooxda Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha xilli ay Leicester City daafac ku jirtay.

Daqiiqadii 39-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga David Luiz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Arsenal oo ahayd kooxda fiican ayaan halkaas ku joogsan waxana ay bilowday in ay raadiso goolal ay hogaanka ugu qabato ciyaarta xilli ay xiddigaha Willian iyo Nicolas Pepe ahaayeen xiddigaha ugu fiican Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 45+2-aad heshay rikoodhe kadib markii VAR soo dhex gashay Rikoodhena u dhigtay Gunners.

Waxa rikoodhada u istaagay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Arsenal hogaanka ugu qabatay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal wax walba ku fiicnayd una qalantay in ay hogaanka u qabato ciyaarta.


Qaybta dambe:

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo ay ka go’antahay in ay dilaan ciyaarta ka hor inta ayna Leicester City ku soo laaban.

Daqiqiadii 52-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Arsenal ugu raaxaysanayso hogaanka ciyaarta.

Kadib goolkaas Leicester City ayaa si toos ah isku dhiibtay iyaga oo awoodi waayay in ay u ba-bac dhigaan kooxda Arsenal oo raadinayay goolal kale.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul soo laabasho leh ka gaadhay Leicester City kuna soo laabatay wadada guulaha premier League kadib guuldaradii City ee todobaadkii hore.


Source: laacibfm.com

SHARE