Barcelona Oo Dhaawac Ku Wayday 3 Xiddig Kulankii Sevilla.

Barcelona Oo Dhaawac Ku Wayday 3 Xiddig Kulankii Sevilla.


Kooxda Barcelona ayaa war xun heshay inkasta oo ay guul muhiim ah ka gaadheen kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Wargayska AS ayaa kashifay dhaawac soo gaadhay 3 xiddig oo kooxda ah intii lagu jiray kulankii Sevilla ee horyaalka La Liga.

Xiddigaha Pedri, Ronald Araújo iyo waliba Gerard Pique ayaa dhamaantood dhaawac uga baxay kulankii ay kooxda Barcelona garaacday Sevilla.

Xiddiga xiddiga Pedri ayaa la arkay isaga oo ku boodaya bir kadib markii ay dhamaatay ciyaartu waxana ay kooxdu ku jirtaa wal-wal ku saabsan xaalada xiddigaha.

3-da xiddig ayaa haatan la filayaa in ay seegaan kulanka Lugta 2-aad ee Arbacada dhici doona kana tirsan Copa Del Rey-ga lana ciyaari doonaan kooxda Sevilla.


Source: laacibfm.com

SHARE