Chelsea Iyo United Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac Bilaa Goolal Ah Xilli Goolhaye Mendy Uu Foojignaa

Chelsea Iyo United Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac Bilaa Goolal Ah Xilli Goolhaye Mendy Uu Foojignaa


Chelsea iyo United ayaa ku hishiiyay bar bar dhac bilaa goolal ah xilli labada dhinac ay ka muuqatay kala baqid waliba qeybta hore ayaa ugu darneyd .

Sheekada Labada Qeyb:Chelsea iyo United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 26-aad ee horyaalka Ingiriiska

Labada koox , qeybtaas hore ma aysan soo bandhigin wax muuqda waxa ayna u muuqdeen kuwo kala baqayay inkastoo United kubadda ay ku badneyd waliba heer gaarayay %58 ayay maamulayeen .

Chelsea daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen waa ayna adkeyd in si sahal ah loo jiiro balse dhanka weerarka waa ay ka liiteen waa ayna adkeyd in kubadda ay gaarsiiyaan afka hore United .

United inkastoo kubadda ku badneyd hadana dhanka weerarka kaliya Rashford ayaa u muuqday in uu xaadir ahaa oo isaga ayaa isku dayo sameynayay xilli daqiiqadii 13-aad kubad free Kick aheyd laga bad baadiyay s, sidoo kale Chelsea dhamaadki ayay mar sigeen goosha wiilasha Ole Guinner .

Marka guud ahaan la qiimeeyo qeybtaas hore , labada koox waxa ay u muuqdeen kuwo si u kala baqayay waxaana ugu darneyd Chelsea oo bilaa cadaadis aheyd .

Soo Laabasahdii , Chelsea kubad halis ah ayay ku heleen United balse goolhaye De Gea ayaa gool xaqiiq ahaa ka bad baadiyay Chelsea waxa ayna aheyd daqiiqadii 48-aad.

Biloowga qeybta labaad , Chelsea ayaa dar dar wacneyd una dhaweyd goolka halka United iyana ay sameynayeen isku dayo kala duwan , waxa aya Chelsea horay u soo giliyeen Reece James oo loo saaray Hudson Odoi .

Ka dib dhacdooyinkaas, United weerar ayay aheyd waxaana daqiiqadii 60-aad laga bad baadiyay gool xaaqiiq ahaa waxaana sidaas sameeyay goolhayaha Chelsea , waxaaana xusid mudan in marka la eego hanaanka ciyaarta gool ayaa la filan karay labada dhinac ah

Dhamaadkii labadii koox waa is weerarayeen waana la filan karay gool xilli Chelsea ay daqiiqadii 65-aad ay soo giliyeen Pulisic oom loo saaray Giroud halka la saaray Ziyech oo loo badalay Warner waxa ayna aheyd daqiiqaddii 76-aad.

United si weerarka u xoojiyaan , dhamaadkii waxa y soo giliyen Martial oo loo saaray Greenwood daqiiqadii 79-aad , waxaana halsi badnaa daqiiqidhii geerida kooxda Chelsea

Si waliba oo daqiiqadihii geerida la isu weeraray hadana waxa ay labada koox hishiiyeen bar bar dhac bilaa goolal ah .


Source: laacibfm.com

SHARE