Falanqayn: Labada Kooxoodba Guul Uguma Soo Tala Galin Kulankii Chelsea Vs Man United.

Falanqayn: Labada Kooxoodba Guul Uguma Soo Tala Galin Kulankii Chelsea Vs Man United.


Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood gaadhin guul kadib kulan iska dhex-dhexaad ahaa oo ay labada kooxood soo bandhigeen.

Ma odhan karno koox ayaa fiicnayd ama Tababare ayaa ka maskax badiyay tababaraha kale marka loo eego in ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar difaac ah.


Man United:

Ugu horayn hadii aan eegno Man United lama filaan ma ahan in ay bar-baro gasho waliba ay wax gool ah dhalin waydo marka loo eego in ay kulamo badan sida ay caawa u ciyaartay u soo ciyaartay.

Man United ayaa baratay dabeecad xun marka ay la ciyaarayso kooxaha waaweyn iyada oo ku ciyaarta 4 daafac ah iyo laba xiddig oo khadka dhexe ee daafaca ah kuwaas oo kala ah Fred iyo McTominay.

Mar walba oo ay Man United doonayso in ayna guuldaro la kulmin waliba ay koox weyn la ciyaarayso Solskjaer ayaa ku soo gala shaxdaas waxana tusaale u ah in uu shaxdaas kala hor tagay dhamaan kooxaha waaweyn ee 6-da ah isaga oo kaliya 2 guuldaro la kulmay wax guul ahna aan gaadhin premier league.

Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay Tottenham iyo kulankii qaybta hore ee ay Arsenal guuldarada 1/0 ah kala kulantay laakiin dhamaan kulamada kale waxa ay gashay bar-baro waliba bilaa gool ah.

Sidaas darteed bilowga ciyaarta ayay iska cadayd in uu Solskjaer kulanka u soo galay sidii uu bar-baro ugala bixi lahaa kulanka.


Chelsea:

Thomas Tuchel ayaa chelsea ka dhigay koox difaac marka loo bar-bar dhigo chelsea markii uu hogaaminayay Frank Lampard markaas oo ay ahayd koox orod ciyaarta waliba raadisa in ay goolal dhaliso.

Thomas Tuchel ayaa kulankiisii 6-aad hogaamiyay chelsea horyaalka premier League tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda chelsea shaqadana ka badalay Frank Lampard.

Chelsea ayaa kaliya dhalisay 8 gool 6-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League ee uu hogaaminayay tababara Thomas Tuchel.

Waxa aan odhan karnaa chelsea ayaa ahayd koox weerar ah oo lagu raaxaysto ciyaarteeda markii uu Frank Lampard hogaaminayay Chelsea.

Sidaas darteed chelsea ayaa kulankii Man United dhankeeda u soo gashay sidii ay hal dhibic ugala bixi lahayd kulanka.

Isku soo wada duuboo labada kooxood ayaa helay fursado cajiib ah oo ay labada Goolhaye sameeyeen badbaadino cajiib ah laakiin labada kooxood ayaa helay ugu dambayn wixii ay kulanka u soo galeen oo ayaa bar-bar dhac.


Source: laacibfm.com

SHARE