Jurgen Klopp Oo Kashifay War Ka Farxiyay Taageerayaasha Liverpool, Mohamed Salah Ayuu Ku Saabsanyahay.

Jurgen Klopp Oo Kashifay War Ka Farxiyay Taageerayaasha Liverpool, Mohamed Salah Ayuu Ku Saabsanyahay.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ayna kooxdiisu xitaa ka fikiri doonin in ay iibiso xiddiga Mohamed Salah.

Xiddiga reer Masar ayaa dhawaan lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid ama Barcelona kadib markii uu diiday in uu meesha ka saaro ku biiristiisa.

Kadib markii difaacashada Liverpool ee horyaalku bur-burtay waxa sii xoogaystay wararka ku saabsan mustaqbalka Mohamed Salah laakiin Klopp ayaa sheegay in uuna xiddigu meelna uga socon kooxda xagaaga.

“Waa arin muhiim u ah kooxda iyo Mohamed Salah in uu nala sii joogo, inta badan ma amaano xiddigaha kooxdayda taas oo aan run ahaantii jecelahay”.

“Laakiin arinta Mohamed Saah, Lambarada ayaa naftooda ka hadlaya, Mohamed Salah kaliya ma ahan Gooldhaliye waxa uu sidoo kale sameeyay horumar ciyaartoy ahaan aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanahay in uu anaga nala joogo waxana aan rajaynayaa in uu muddo dheer sii joogi doono”.


Source: laacibfm.com

SHARE