Liverpool & Man United Oo Isku Baacsanaya Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Leicester City

Liverpool & Man United Oo Isku Baacsanaya Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Leicester City


Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa la sheegayaa in ay si gaar ah u daawadaan xiddiga kooxda Leicester City ee Harvey Barnes inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 13 gool sidoo kale caawiye ka noqday 4 kale 34 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Man United iuo Liverpool ay daawadeen xiddiga reer England laakiin Leicester City ayaa dhankeeda doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Foxes wadahadalo kula jirto xiddiga Barnes si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga da’yarka ah.


Source: laacibfm.com

SHARE