Liverpool Oo Isku Diyaarinaysa Bixitaanka Jurgen Klopp, Badalkiisa Ayay Calaamadsadeen.

Liverpool Oo Isku Diyaarinaysa Bixitaanka Jurgen Klopp, Badalkiisa Ayay Calaamadsadeen.


Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka tababare Jurgen Klopp iyaga oo haatanba calaamdsaday badalkiisa hadii uu ka tago kooxda.

Halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard ayaa ku soo laaan kara Anfield Si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Inkasta oo ayna kooxdu qorshaynayn in ay shaqada ka caydhiso Klopp hadana waxa ay ogyihiin in uu tababaraha reer Germany qorshaynayo in uu isaga tago kooxda mustaqbalka fog.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaysa in uu Klopp mustaqbalka noqon doono tababaraha xulka qaranka Germany taas oo keentay in ay Liverpool isku diyaariso bixitaankiisa.

Gerrard ayaa haatan shaqo fiican ka haya kooxda Rangers isaga oo ku dhaw in uu kooxda ku hogaamiyo horyaalka Scotland markii ugu horaysay muddo 10 sano ah.

Sidaas darteed Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay kabtankeedii hore ka dhigto tababaraha cusub ee kooxda hadii uu Jurgen Klopp ka tago kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE