Liverpool Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Daafac Aad Loo Qiimeeyo.

Liverpool Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Daafac Aad Loo Qiimeeyo.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la qaadatay wakiilka daafaca kooxda Fiorentian ee Nikola Milenkovic si ay daafaca ugu dhaqaaqaan suuqa xagaaga.

Daafaca dhexe ayaa kooxda Fiorentina kula jira heshiis ilaa xagaaga 2022 ah inkasta oo ay kooxdu diyaar u tahayin ay ku fasaxdo lacag dhan 30 milyan oo euro.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale xiiso u muujisay saxiixa daaafaca aadka loo qiimeeyo ee Nikola Milenkovic kaas oo ilaa xagaagii lala xidhiidhinayay.

Si kasta ha ahaatee wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba wadahadalo la qaadatay wakiilka xiddiga 23 jirka ah.


Source: laacibfm.com

SHARE