Man United Oo Wadahadalo Heshiis Kordhin Ah La Furtay Xiddig Jooga Kooxdeeda.

Man United Oo Wadahadalo Heshiis Kordhin Ah La Furtay Xiddig Jooga Kooxdeeda.


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto daafaca Eric Bailly si ay heshiis cusub uga saxiixato daafaca dhexe.

Xiddiga Eric Bailly ayaa kooxda Man United jooga muddo sanado ah isaga oo kooxda u ciyaaray kulamo badan laakiin ku dhibaatoonaya dhaawacyo.

Eric Bailly ayaa xilli ciyaareedkan ka dambeeya xiddigaha Harry Maguire iyo Victor Lindelof isaga oo ah dookha 3-aad ee tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin xiddiga Eric Bailly ayaa taageero xoogan ka haysta taageerayaasha kooxda isaga oo ay ka doorbidaan xiddiga Lindelof kaas oo ku dhibaanaya qaab ciyaareedka.

Wargayska Sports Mole ayaa sheegaya in ay Red Devils wadahadalo la furtay xiddiga Eric Bailly si ay heshiis cusub uga saxiixdaan xiddiga daafaca ka ciyaara.


Source: laacibfm.com

SHARE