Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Emile Smith Rowe Kadib Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Kulankii Leicester City.

Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Emile Smith Rowe Kadib Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Kulankii Leicester City.


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Emile Smith Rowe kadib markii uu xiddigu dhaawac uga baxay kulankii Leicester City.

Emile Smith Rowe ayaa ku bilowday shaxda Arsenal kulankii King Power laakiin ciyaarta dhaawac uga baxay wax yar ka hor dhamaadka qaybta hore ee ciyaarta iyada oo lagu badalay Martin Odegaard.

Tababare Mikel Arteta oo ciyaarta kadib ka hadlaya xaalada xiddiga ayaa yidhi”Waxa soo gaadhay dhaawac muruqa ah”.

“Waxa uu awooday in uu sii ciyaaro laakiin waxa aan go’aansanay in aan badalno waxana aan rajaynayaa in uuna dhaawac halis ah ahayn”.


Source: laacibfm.com

SHARE