Paul Merson Oo Kashifay In Jurgen Klopp Laga Caydhin Doono Shaqada Liverpool Hadii Ay Halkan Arin Dhacdo.

Paul Merson Oo Kashifay In Jurgen Klopp Laga Caydhin Doono Shaqada Liverpool Hadii Ay Halkan Arin Dhacdo.


Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson aya sheegay in ay shaqada Jurgen Klopp khatar ku jirto hadii ay Liverpool seegto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda difaacanaysa Premeir League ayaa ku jirta kalainta 6-aad iyaga oo 5 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee West Ham.

Klopp ayaa haatanba qirtay in ayna kooxdiisu ku guulaysan karin horyaalka premier League sidoo kale sheegay in ay haatan diirada saarayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen champions League xilli ciyaareedka dambe.

Merson ayaana sheegay in ay Liverpool shaqada ka caydhin doonto Klopp hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Jose Mourinho ayaa sidaas ku sameeyay chelsea, waxa uu ku hogaamiyay horyaalka oo ahayd wax walba oo ay doonayeen”ayuu Merson u sheegay Sky Sport.

“Sanadkan waxa ay ahayd in ay lacagtooda dul dhigaan ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya premier League”.

“Klopp waa tababare fiican laakiin hadii runta laga hadlo hadii uuna kooxda u soo saarin champions League xilli ciyaareedka dambe waxa ay u badantahay in uu shaqadiisa waayi doono”.


Source: laacibfm.com

SHARE