Pep Guardiola Oo Rikoodh Ka Dhigay Premier League.

Pep Guardiola Oo Rikoodh Ka Dhigay Premier League.


Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa dhigay rikoodh Premier League ah kadib markii ay kooxdiisu 2/1 ku garaacday kooxda West Ham Sabtidii.

Tababaraha reer Spain ayaa Man City ku hogaamiyay guushii 20-aad ee kooxdiisa tartamada oo dhan xilli ay ku sii dhawaanayaan ku guulaysiga horyaalka.

Tababare Guardiola ayaa Man City la gaadhay guushiisii 200-aad ee Man City kadib 273 kulan oo uu hogaamiyay kooxda waana tababarihii ugu horeeyay ee tiro yar ku gaadhay guulaha intaas leeg.

Waxa intaas sii dheer in tababaraha 50 jirka ah uu kor u dhaafay 500 oo guul xirfadiisa tababaranimo marka lagu daro hogaamintii Barcelona iyo Bayern Munich.


Source: laacibfm.com

SHARE