Qiimaha Ay Man City U Diyaarisay Saxiixa Erling Braut Haaland Oo La Ogaaday.

Qiimaha Ay Man City U Diyaarisay Saxiixa Erling Braut Haaland Oo La Ogaaday.


Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay inay la soo saxiixato weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 27 gool 26 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, halka uu dhaliyay 43 gool 44 kulan tan ilaa markii uu ku biiray kooxda Borussia Dortmund.

Heshiiska Haaland ayaa lagu bur-burin karay lacag dhan 65 milyan oo euro xagaagii laakiin Agaasimaah Dortmund ayaa sheegay in ay kooxdu hor u qaadi doonto qiimaha lagu heli karo xiddiga sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee uu xanuunka Korona sababta u noqday.

Kooxaha Man United, Chelsea iyo Real Madrid ayaa dhankooda lala xidhiidhinaya saxiixa xiddiga Haaland laakiin Man City ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay 100 milyan ku dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Hogaamiyayaasha Premier League Haaland u calaamadsadeen badalka mustaqbalka Fog ee Sergio Aguero.


Source: laacibfm.com

SHARE