RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Xushay Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Sociedad

RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Xushay Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Sociedad


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor iman doono kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Warka fiican ayaa ah in ay xiddigo Badan ku soo laabteen Liiska iyada oo kaliya 5 xiddig haatan dhaawac uga maqan yihiin kooxda Real Madrid.

Xiddigaha Fede Valverde, Rodrygo, Alvaro Odriozola & Marcelo ayaa dhamaantood ku soo laabtay Liiska uu Zidane u soo xushay kulanka La Liga.

Xiddigaha Sergio Ramos, Eden Hazard, Karim Benzema, Dani Carvajal & Eder Militao ayaa ah kaliya xiddigaha haatan dhaawaca uga maqan kooxda Real Madrid.


Source: laacibfm.com

SHARE