Thomas Tuchel Oo Qirtay Xiddig Man United U Ciyaara Oo Uu Isku Dayay In Uu La Soo Saxiixdo Markii Uu Joogay PSG.

Thomas Tuchel Oo Qirtay Xiddig Man United U Ciyaara Oo Uu Isku Dayay In Uu La Soo Saxiixdo Markii Uu Joogay PSG.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xiddiga Man United ee Bruno Fernandes ku tilmaamay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee adduunka isaga oo qirtay in uu doonayay saxiixiisa markii uu joogay kooxda PSG.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 22 gool tartamada oo dhan xili ciyaareedkan waxana uu sii wadaa qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu ku bilowday noloshiisa Old Trafford.

Muddo 12 bilood gudohood ah Bruno Fernandes ayaa noqday xiddig laf dhabar u ah Man United waxana uu saamayn ku yeelan karaa kulanka ay Man United la ciyaari doonto Chelsea maanta.

“Sanadkaygii ugu horeeyay ee Paris, ma suuqaygii ugu horeeyay ayay ahayd mise midkaygii 2-aad ma xasuusto”.ayuu Tuchel yidhi.

“Waxa aan si gaar ah ula socday Burno sababta oo ah Agaasimaha PSG ayaa si fiican u daawaday aniguna waxa aan daawaday kulamo badan kadib waxa aan isku dayay in aan la xidhiidho si heshiiska loo dhamaystiro”.

“Agaasimihii hore ee PSG ayaa si fiican u garanayay Bruno Fernandes waxana aan isku daynay in aan keeno kooxdeena”ayuu sii raaciyay.

“Waxa uu ahaa xiddig magac weyn leh waliba Gool dhaliye cajiib ah waxana uu xiddigaha ka garab ciyaara ka dhigaa kuwo fiican waxana cadayn u ah saamaynta uu ku yeedhay United tan ilaa markii uu yimid”.


Source: laacibfm.com

SHARE