Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Garaacday Leicester City.

Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Garaacday Leicester City.


Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka King Power Staduim.

Goolal ay dhaliyeen Luiz, Lacazette iyo Pepe ayaa Ayaa Arsenal ka caawiyay in ay guul soo laabasho leh ka gaadhaan kooxda Leicester City.


Hadaba Halkan Kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka.

1.David Luiz ayaa dhaliyay gool Premier League ah oo uu caawiye ka noqday Willian Markii 2-aad iyada oo markii 1-aad uu u dhaliyay Chelsea bishii February 2019.

2.Alexandre Lacazette Ayaa gool u badalay 5-tii rikoodhe ee uu u laagtay kooxda Arsenal tartamada oo dhan kaliya Pierre-Emerick Aubameyang oo gool ka dhaliyay 13 ayaa ah xiddiga ka badan halka uu Lacazette dhaliyay 11 gool.

3.Nicolas Pépé ayaa dhaliyay 4 gool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku bilowday shaxda Arsenal.

4.Xiddigaha David Luiz & Willian xiddigihii 2-aad ee ku lug lahaada gool premier League ah iyaga oo u wada ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Chelsea kadib xiddigaha John Hartson & Ian Wright oo gool ku lug lahaa iyaga oo u wada ciyaaray Arsenal iyo West Ham.

5.Guusha ay Arsenal ka gaadhay Leicester City ayaa ah guushii ugu horaysay ee ay ka gaadhay koox maalinta ku bilaabanaysa 3-da boos ee ugu sareeya Premier League tan ilaa January 2015 markaas oo ay 2/1 Kaga badiyeen Man City.


Source: laacibfm.com

SHARE