Barceona Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Pedri Ka Hor Kulanka Sevilla.

Barceona Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Pedri Ka Hor Kulanka Sevilla.


Xiddiga da’yarka ah ee kooxda Barcelona ee Pedri ayaa seegi doona kulanka adag ee ay Barcelona la ciyaari doonto Sevilla Lugta 2-aad ee Semi-final-ka Copa Del Rey-ga.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa xiddig muhiim ah ka ah kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ku dhaawacmay kulankii Sevilla ee horyaalka La Liga.

Pedri ayaa lagu badalay xiddiga Ilaix Moriba daqiiqadii 71-aad Barcelona ayaana haatan xaqiijisay in uu xiddigu ka dhaawacmay kubka.

Kooxda Barcelona ayaan xaqiijin wakhti uu soo laaban doono laakiin waxa ay xaqiijisay in uu seegi doono kulanka Sevilla ee Arbacada ee lugta 2-aad ee Semi-final-ka Copa Del Rey-ga.

Xiddiga khadka dhexe ayaa liiska dhaawacyada kula biiray xiddigaha Ansu Fati, Philippe Coutinho & Sergi Roberto kuwaas oo dhaawac kaga maqan kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE