Curtis Jones Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Raheem Sterling U Dhigay Liverpool.

Curtis Jones Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Raheem Sterling U Dhigay Liverpool.


Xiddiga da’yarka ah ee Curtis Jones ayaa Guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxdiisa Liverpool kulankii Sheffield United ee horyaalka Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Curtis Jones ayaa furay goolasha kooxda Liverpool bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kadib goolkaas Curtis Jones ayaa boodhka ka jaftay rikoodh uu Raheem Sterling u dhigay kooxda Liverpool intii uu joogay Liverpool.

Curtis Jones ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya Liverpool oo ku ciyaaraysa meel ka baxsan Anfield tan ilaa Raheem Sterling oo gool u dhaliyay Liverpool bishii December 2014 isaga oo ka dhaliyay kooxda Burnley.


Source: laacibfm.com

SHARE