Danny Murphy Oo Saadaaliyay Boosaska AY Man United, Liverpool & Chelsea Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League.

Danny Murphy Oo Saadaaliyay Boosaska AY Man United, Liverpool & Chelsea Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League.


Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Man United iyo Chelsea laakiin shaki galiyay in ay kooxdiisii hore ee Liverpool u soo bixi doonto champions league xilli ciyaareedka dambe.

Man City ayaa ugu cad-cad in ay ku guulaysato horyaalka premier League iyaga oo 20 dhibcood ku haya premier League xilli 12 kulan ka hadhsanyihiin xilli ciyaareedka.

Xilli ay Man City k guulaysanayso horyaalka waxa jira dagaal loogu jiro 3-da boos ee loogu soo boxo champions League.

8 kooxood ayaa ku dagaalamaya 3-da boos ee kale iyada oo 11 dhibcood u dhexeeyaan min kooxda kaalinta 2-aad ilaa kaalinta 9-aad.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo bar-baro la galay kooxda chelsea ee kaalinta 5-aad ku jirta Murphy ayaana rumaysan in ay Red Devils kaalintaas ku dhamaysan doonto xilli ciyaareedka.

“Tartanka loogu jiro kaalmaha champions League waaxa uu noqon doonaa mid adag oo walib furan”ayuu u sheegay BBC Sport.

“Man United waxa ay la kulantay dhaleecayn kadib qaab ciyaareedkii daafaca ahaa ee ay kula ciyaartay chelsea laakiin ujeeda Soslkaer ayaa ahaa in uu sii haysto 6-da dhibcood ee ay ka dambeeyaan kooxda kaalinta 5-aad ku jirta sidaas darteed United ayaa ugu cad-cad ku dhamaysiga kaalinta 2-aad.

“Sidoo kale waxa aan aaminsanahay in ay Chelsea u soo bixi doonto boosaska ugu sareeya Premier League waxana ay leeyihiin xiddigo ay kaga soo baxaan shaqadaas”.

“Intaas kadib way adagtahay in la saadaaliyo sababta oo ah kooxaha Leicester, Liverpool, West Ham iyo Everton waxa ay haystaan fursad buuxda sidoo kale Tottenham iyo Arsenal laftoodu way soo kacayaan”.


Source: laacibfm.com

SHARE