Georginio Wijnaldum Oo Digniin U Diray Chelsea Ka Hor Kulankooda.

Georginio Wijnaldum Oo Digniin U Diray Chelsea Ka Hor Kulankooda.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa chelsea uga digay in ay Liverpool Kulanka khamiista gali doonto iyaga oo kalsooni buuxa.

Reds ayaa 2/0 ku garaacday kooxda Sheffield United kulan ay goolasha u dhaliyeen xiddigaaha Curtis Jones iyo Roberto Firmino.

Liverpool ayaa haatan hal dhibic u jirta chelsea oo bar-baro la gashay kooxda Man United waxana ay ku marti galin doonaan Khamiista Anfield.

Sheffield United ayaa rajnaya in guushii ay ka gaadheen Sheffield United in ay kor u qaado kalsoonida kooxda Liverpool ka hor kulanka chelsea.

“Waxa ay guushii Sheffield United nasiinaysaa kalssooni sababta oo ah kulamadii ugu dambeeyay waxa nalaga dhaliyay goolal badan sidaas darteed guushu waxa ay nasiinaysaa kalsooni ka hor kulanka chelsea”.

“Way fiicantahay in aad kulamo xidhiidh ah guul gaadho sidoo kale way fiicantahay in aan joojino guuldarooyinkii xidhiidhka ahaa”.

“Waxan u malaynayaa in ay nasiinayso kalsooni ka hor kulanka Chelsea”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE