Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray.

Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray.


Horyaalka Premier League ayaa maraya meel xiiso leh xili 12 kulan ka hadheen dhamaadka xilli ciyaareedka 2020/2021.

Waxa jira kooxo badan oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kuwaas oo dhaliyay goolal badan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka dhalisay horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkan iyaga oo dhaliyay 53 gool 26 -ka kulan ee ay ciyaareen.

Kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Man City ayaa ah kooxda 2-aad ee ugu goolasha badan iyaga oo dhaliyay 52 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xigta kooxda Liverpool kuwaas oo dhaliyay 47 gool iyaga oo 2 gool ka horeeya kooxda Leicester City kuwaas oo dhaliyay 45 gool.

Waxa kaalinta 5-aad ku jirta kooxda Leeds United kuwaas oo dhaliyay 43 gool halka ay kooxaha chelsea iyo Tottenham wada dhaliyeen min 41 gool.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo kooxaha goolasha ugu badan dhaliyay Premier League:

  1. Man United: 53 gool
  2. Man City: 52
  3. Liverpool: 47
  4. Leicter City: 45
  5. Leeds United: 43
  6. Chelsea: 41
  7. Tottenham: 41
  8. West Ham: 40
  9. Aston Villa: 38
  10. Everton: 37
  11. Arsenal: 34
  12. Southampton: 32
  13. Crystal Palace: 29
  14. Brighton: 27
  15. Newcastle United: 27
  16. Wolves: 27
  17. Fulham: 21
  18. West Brom: 20
  19. Burnley: 18
  20. Sheffield United: 15


Source: laacibfm.com

SHARE