LiverpoolOo War Fiican Ka Heshay Xaalada Xiddigaha Alisson Becker, Fabinho & Diogo Jota Ka Hor Kulanka Chelsea.

LiverpoolOo War Fiican Ka Heshay Xaalada Xiddigaha Alisson Becker, Fabinho & Diogo Jota Ka Hor Kulanka Chelsea.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay xiddigaha Alisson Becker, Fabinho & Diogo Jota ku soo laaban doonaan kooxda kulanka ay chelsea la ciyaari doonto khamiista.

Saddexda xiddig ayaa seegay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay Sheffield United Axadii kadib markii uu shaki ku jiray taam ahaanshohooda.

Si kasta ha ahaatee kadib guushii Sheffield United Klopp ayaa sheegay in ay 3-da xiddig ka qayb qaadan doonaan kulanka Chelsea.

Klopp oo la hadlaya Mirror ayaa yidhi”Alisson, Fbainho iyo Diogo waxa aan hubaa in ay taam u noqon doonaan kulanka”.

“jota waxa uu ku seegay kulanka Sheffield Xanuun sidaas darteed waxa aan eegi doonaa sidaay u soo kabsadaan”.


Source: laacibfm.com

SHARE