Luke Shaw Oo Kashifay Wixii Uu Garsoorihii Dhex-dhexaadinayay Kulankii Chelsea & Man United Ka Sheegay Rikoodhadii Laga Diiday Man United.

Luke Shaw Oo Kashifay Wixii Uu Garsoorihii Dhex-dhexaadinayay Kulankii Chelsea & Man United Ka Sheegay Rikoodhadii Laga Diiday Man United.


Daafaca kooxda Man United ee Luke Shaw ayaa shakifay in uu maqlay wixii uu Garsoore Stuart Attwell kabtanka Man United ee Harry Maguire uge sheegay rikoodhadii laga diiday Man United.

Red Devils ayaa ku dooday in loo dhigo rikoodhe kulankii ay Bar-Baraha la gashay Chelsea kadib markii uu xiddiga Callum Hudson-Odoi gacanta ku taabtay kubad isaga oo ku dhex jira dilinta ganaaxa.

VAR ayaa si fiican u eegtay dhawr daqiiqo laakiin waxa la go’aamiyay in aanay rikoodhe ahayn ciyaartuna sidii ku sii socotay.

Laakiin Luke shaw ayaa ciyaarta kadib sheegay in uu garsoore Stuart Attwell u sheegay kabtanka Man United ee Harry Maguire in uuna dhigi karin rikoodhe sababta oo ah waxa uu abuurayaa sheekooyin badan.

Luke Shaw oo arintaas ayuu yidhi”Wakhtiga markii ay gacanta ku dhacday ma arkayn”, “ma garanayn in ay gacanta kaga dhacday Mason ama Callum waxa aan iska sii watay ciyaarta xitaa ma ogayn in VAR rikoodhe eegaysay”.

“Ma ogayn sababta loo jooiyay ciyaarta, Garsooraha ayaa ku yidhi harry Maguire hadii uu rikoodhe dhigo waxa uu abuurayaa hadal badan sida aan maqlay, laakiin ma garanayn wax dhacay”.


Source: laacibfm.com

SHARE