Luke Shaw Oo Wajahaya Ganaax Adag & Sababta Oo La Ogaaday.

Luke Shaw Oo Wajahaya Ganaax Adag & Sababta Oo La Ogaaday.


Daafaca kooxda Man United ee Luke Shaw ayaa lagu soo waramayaa in uu wajahayo khatar ah in dusha laga saaro ganaax adag kadib hadalkii uu sheegay kadib kulankii chelsea.

Daafaca Bidix ayaa sameeyay waraysi muran badan dhaliyay oo ku saabsan Garsoore Stuart Atwell kaas oo aan rikoodhe ku abaalmarin Man United kulankii Chelsea.

Saw ayaa sheegay in uu maqlay Garsoore Stuart Atwell uu Harry Maguire u sheegaya in uuna rikoodhe u dhigin Man United sabab la xidhiidha in uu ka cabsi qabo hadal badan oo uu dhalin doono.

Si kasta ha ahaatee Luke shaw ayaa badalay hadalkiisa isaga oo sheegay in uuna waxba maqlin Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Xidhiidhka FA-gu ka fiirsanayo in uu dacwad ku soo oogo daafaca.

Isla wargayska ayaa sheegaya in hadii dambi lagu helo Shaw in uu wajahayo ganaax adag oo kulamo iyo lacag ah.


Source: laacibfm.com

SHARE