Martin Keown Oo Xiddig U Ciyaara Arsenal Bar-Bar Dhigay Cristiano Ronaldo

Martin Keown Oo Xiddig U Ciyaara Arsenal Bar-Bar Dhigay Cristiano Ronaldo


Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Martin Keown ayaa xiddiga da’yarka kooxda Arsenal ee Emile Smith Rowe bar-bar dhigay xiddiga 5-ta jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka ee Cristiano Ronaldo.

Xiddiga 20 jirka kubad sameeyaha ah ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Leicester City laakiin saamayn ku yeeshay kooxda Arsenal bilihii la soo dhaafay.

Smith Rowe ayaa dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan Keown ayaana amaanay xiddiga da;yarka ah.

Keown ayaana sheegay Smith Rowe uu la tayo yahay xiddiga Cristiano Ronaldo waliba aan la arkin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Arsenal ayaa rajaynaysa in uuna dhaawac Smith Rowe ahayn mid halis ah waliba ka qayb qaadan doono kulanka Sabtida ee ay la ciyaari doonaan kooxda Burnley.


Source: laacibfm.com

SHARE