Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Eric Garcia Ku Biiri Doono Xagaaga.

Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Eric Garcia Ku Biiri Doono Xagaaga.


Tababarah Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Eric Garcia ku biiri doono kooxda Barcelona xagaaga.

Xiddiga da’yarka ah ayuu heshiiskiisa Man City dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan Barcelona ayaana si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga.

Kooxda Man City ayaa doonaysay in ay sii haysato xiddiga Eric Garcia laakiin xiddiga ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Pep Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Eric Garcia waa sida wiilkayga oo kale, xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa daafaceena ugu fiican”.

“Waxa uu ku biiri doonaa Barcelona waana xiddig heer sare ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE