Real Madrid Oo Si Dhab Ah U Doonaysa Saxiixa Mohamed Salah, Laakiin Hal Dhibaato Ayaa Jirta.

Real Madrid Oo Si Dhab Ah U Doonaysa Saxiixa Mohamed Salah, Laakiin Hal Dhibaato Ayaa Jirta.


Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid ee Ramon Calderon ayaa xaqiijiyay in ay Real Madrid doonayso saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah laakiin Los Blancos ayaan awood u lahayn saxiixiisa.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa dhaliyay 24 gool 36 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha reer Spain tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool xagaagii 2017.

Ramon Calderon oo madaxweyne ka soo noqday kooxda Real Madrid intii u dhexaysay 2006 iyo 2009 waxana uu sheegay in ay Real Madrid doonayso saxiixa xiddiga reer Masar.

“Waa xiddig weyn oo gool dhaliye ah, waxa uu Liverpool ka caawiyay in ay gaadho guulo waaweyn uma malaynayo in ay iska iibinayso”ayuu Ramon Calderon u sheegay Goal.

“Xitaa hadii ay ka fikirayso in ay liverpool iska iibiso xiddiga Mohamed Salah waxa ay ku qaadan doontaa lacag aad u badan”.

“Real Madrid way doonaysaa saxiixa Mohamed Salah laakiin Liverpool ayaa dalban doonta lacag aad u badan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE