Roy Keane Oo Saadaaliyay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Roy Keane Oo Saadaaliyay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareedkan.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Roy Keane ayaa saadaaliyay in ay kooxda Man United haatanba xaqiiqsatay in ay kaalinta 2-aad kaga dhamaysan doonto premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa ku jirta kaalinta 2-aad kadib bar-barihii ay la gashay Chelsea iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxda Leicester City.

Kean ayaan saadaaliyay in ay Man United ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad inkasta oo ay 12 kulan ka hadhsantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Waxa aan filayaa in ay Man United ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad”ayuu u sheegay Sky Sport.

Roy kean oo ka hadlaya labada boos ee 3-aad iyo 4-aad ayaa yidi”Boosaska 3-aad iyo 4-aad wali waa furan yahay inkasta oo ay Leicseter city iyo West Ham u tartamayaan hadana waxa halis ku jira booskooda hadii ay Liverpool guulo gaadhi sidoo kale chelsea”.


Source: laacibfm.com

SHARE