Shaxda Ugu Fiican Horyaalka La Liga Bishii February Oo La Soo Saaray.

Shaxda Ugu Fiican Horyaalka La Liga Bishii February Oo La Soo Saaray.


Shabakada WhoScored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican horyaalka La Liga bishii February ee la soo dhaafay.

Horyaalka La Liga ayaa leh xiiso gaar ah xilli ciyaareedkan iyada oo kooxihii awooda ku haysan jiray tartanka ee Real Madrid iyo Barcelona dhibaatoonayan.

Arintaas ayaa xiiso gaar ah u yeeshay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan xilli marar badan la garaacay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Hadaba shabakada ayaa soo xulatay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay horyaalka La Liga bishii February ee dhamaatay.

Kooxda Real Madrid ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddigg kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Dhanka kale kooxaha Real Betis iyo Barcelona ayaa dhankooda shaxda ugu fiican ku leh min Hal xiddig.

Ugu dambayn kooxaha Huesca, Atletico Madrid iyo Real Sociedad ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican La liga bishii la soo dhaafay.


Source: laacibfm.com

SHARE