Solskjaer Oo Frak Lampard U Sababeeyay In Aan Man United Rikoodhe Loo Dhigin Kulankii Chelsea.

Solskjaer Oo Frak Lampard U Sababeeyay In Aan Man United Rikoodhe Loo Dhigin Kulankii Chelsea.


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjjaer ayaa tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Frank Lampard ku eedeeyay in aan kooxdiisa loo dhigin rikoodhe kulankii Premer League.

Kooxda Man United ayaa bar-baro la gashay kooxda chelsea kulan ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier Legaue

Garsooraha ciyaarta ayaa Mna United ka diiday rikoodhe daqiiqadii 15-aad inkasta oo uu xiddiga Callum Hudson-Odoi gacanta ku taabtay kubada.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay u maleeyeen in ay gacantiisu meel caadi ah joogto markii ay ku dhacda”.

“Waxa aan ka wal-walsanahay hadalkii bilo ka hor laga yidhi rikoodhooyinka naloo dhigo”.

“Waxa jira tababaryaal tilmaama garsoorayaasha si ay u saameeyaan go’aankooda”.

Markii la waydiiyay in uu u joogo Frank Lampard ayuu Solskjaer yidhi”arintaas waa dabeecadeena tababaryaaal ahaan”.

“Hadii ay wax kaa xumaadaan waxa aad doonayaa in aad diirada saarto”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE