Thomas Tuchel Oo Dhigay Rikoodh Cajiib Ah Oo Uu Tababare Kaliya Kaga Horeeyay.

Thomas Tuchel Oo Dhigay Rikoodh Cajiib Ah Oo Uu Tababare Kaliya Kaga Horeeyay.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa dhigay rikoodh cajiib ah oo kaliya hal tabbare horay uga dhigay horyaalka premeir League.

Thomas Tuchel ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay bar-baro bilaa gool ah kulankii ay la ciyaartay kooxda Man United ee ka tirsanaa horyaalka Premeir League.

Tababare Thomas Tuchel ayaa Chelsea ka dhigay koox difaac ah iyada oo shabaqeeda ilaashatay kulankii 4-aad ee ay ku ciyaartay intii uu Thomas Tuchel hogaaminayay.

Kadib dhacdadaas Thomas Tuchel ayaa noqday kaliya tababarihii 2-aad ee taariikhda Premier League shabaqiisa ilaashada 4-ta kulan ee ugu horeeya horyaalka premier league kadib tababare Brendan Rodgers oo sidaas u sameeyay Swansea City.


Source: laacibfm.com

SHARE