Xidhiidhka FA-ga Oo Go’aan Ka Gaadhay Luke Shaw Kadib Markii Hadal Muran Dhaliyay Ka Sheegay Garsoorihii Dhex-dhexaadinayay kulankii Chelsea iyo Man United.

Xidhiidhka FA-ga Oo Go’aan Ka Gaadhay Luke Shaw Kadib Markii Hadal Muran Dhaliyay Ka Sheegay Garsoorihii Dhex-dhexaadinayay kulankii Chelsea iyo Man United.


Xidhiidhka FA-ga ayaa Go’aan Ka Gaadhay Luke Shaw Kadib Markii Hadal Muran Dhaliyay Ka Sheegay Garsoorihii Dhex-dhexaadinayay kulankii Chelsea iyo Man United.

Kulanka ayaa ahaa mid muran badan dhaliyay iyada oo Garsooruhu Man United ka diiday rikoodhe daqiiqadihii hore ee ciyaarta kulankii bar-baraha.

Luke dhaw ayaa sheegay in uu maqlay garsooraha ciyaarta dhex-dhexaadinayay oo Harry Maguire u sheegaya in uuna Rikoodhe u dhigi karin United sabab la xidhiidha hadalka badan ee ay dhalinayaan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegay in uu xiddiga reer England wajahayo ganaax uu dusha ka saaro FA-gu kadib hadalkii uu yidhi.

Laakiin wargayska manchestereveningnews ayaa sheegaya in uu xiddhiidha FA-gu go’aansaday in uuna wax talaabo ah ka qaadin xiddiga Luke Shaw.

Sidaas darteed xiddiga Luke Shaw ayaan wajihi doonin wax ganaax ah kadib hadalkii uu ka yidhi garsooraha kulankii Chelsea.


Source: laacibfm.com

SHARE