Hector Bellerin Oo Haatanba Heshiis La Gaadhay Kooxda Uu Kaga Biirayo Arsenal.

Hector Bellerin Oo Haatanba Heshiis La Gaadhay Kooxda Uu Kaga Biirayo Arsenal.


Xiddiga kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba heshiis la meel dhigay kooxda Barcelona si uu ugu biiro kooxda hadii uu Joan Laporta madaxweyne u noqdo kooxda Barcelona.

Hector Bellerin ayaa isaga tagay kooxda Barcelona sanadkii 2011 isaga oo 16 sano jir ah isaga oo noqday xiddiga ugu fiican kooxda sanadihii ugu dmabeeyay.

Xiddiga reer Spain ee Hector Bellerin ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha PSG xagaagii hore laakiin heshiiska ayaan dhicin waxana haatan la sheegayaa in uu ku laaban doono Barcelona.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Laporte oo u tartamaya madaxtinimada kooxda uu wadahadalo la qaatay xiddiga Hector Bellerin una sheegay ku soo laabashadiisa Barcelona.

Bellerin ayay 2 iyo badh uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana uu kooxda u ciyaaray 22 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE