Horyaalka La Liga Oo Dib U Furmay & Xiiso Gaar Ah Oo Uu Yeeshay Kadib Soo Laabashadii Barca & Real, Imisa Dhibcood Ayay Ka Dambeeyaan?

Horyaalka La Liga Oo Dib U Furmay & Xiiso Gaar Ah Oo Uu Yeeshay Kadib Soo Laabashadii Barca & Real, Imisa Dhibcood Ayay Ka Dambeeyaan?


Horyaalka La Liga ayaa maray meel xiiso iyo xamaasad leh kadib markii ay kor u soo keceen kooxaha Barcelona iyo Dhibaatoonayay.

Bilowgii xilli ciyaareedkan waxa si weyn loo filayay in ay kooxda Atletico Madrid si raaxo leh ugu guulaysato horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelon oo ah kooxaha ugu guulaysiga badan horyaalka La Liga taariikhda tartanka ayaa si xun ku bilowday xilli ciyaareedka iyaga oo laga badiyay kulamo badan.

Laakiin labada kooxood ayaa haatan kor u soo kacay iyaga oo ka faa’iidaystay natiijooyinkii xumaa ee ay heshay hogaamiyayaasha Atletico Madrid.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa haatan kaliya 5 dhibcood ka dambeeya kooxda Atletico Madrid ee hogaaminaysa horyaalka La Liga.

Laakiin kooxda Ateltico Madrid aya wali hal kulan gacanta ku haysata maadama ay ciyaartay 24 kulan halka ay Real Madrid iyo Barcelona ciyaareen min 25 kulan.


Source: laacibfm.com

SHARE