Jamie Carragher Man United U Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka Premier League.

Jamie Carragher Man United U Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka Premier League.


Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa Man United u sheegay in ay la soo saxiixdaan weeraryahan heer sare ah hadii ay doonayaan in ay u tartamaan horyaalka premier Legaue.

Kooxda Man United ayaa ku jirta kaalinta 2-aad laakiin 12 dhibcood ka dambeeya kooxda Man City ee hogaaminaysa horyaalka Premier League.

Jamie Carragher ayaa sheegay in ay Man United u baahantahay weeraryahan heer sare ah xilli ciyaareedka dambe si ay ugu tartamaan horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

“Haatan, Man United waxa ka maqan tayada, marka aad eegto xiddigaha weerarka uga ciyaara ma haystaan xiddig tayo leh oo gool dhaliye ah laakiin waxa ay haystaan xiddigo fiican laakiin kama caawin karaan ku guulaysiga horyaalka”ayuu Jamie Carragher yidhi.

“Sidaas darteed waxa ay u baahanyihiin weeraryahan tayo leh oo heer sare ah hadii ay doonayaan in ay u tartamaan premier league”.


Source: laacibfm.com

SHARE