Kooxaha Ay Xiddiguhu Dhaawaca Uga Maqnaayeen Daqiiqadaha Ugu Badan Premier Leageu Oo La Soo

Kooxaha Ay Xiddiguhu Dhaawaca Uga Maqnaayeen Daqiiqadaha Ugu Badan Premier Leageu Oo La Soo


Shabakada Sky Sport ayaa soo saartay kooxaha ay sida waalida ah u saameeyeen dhaawacyadu xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Xilli ciyaareedkan ayaa ah mid aad u adag kuna adag dhaman kooxaha premier League inkasta oo ay ku kala adagtahay kooxaha.

Xogta ay soo saartay shabakada Sky Sport ayaa muujinaysa Kooxda Liverpool ay saamaynta ugu weyn ku yeesheen dhaawacyadu xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Kooxda Liverpool ayaa dhaawacyo kaga maqnaa kulamada Premier League daqiiqadaha ugu badan iyaga oo maqnaa 1,029 daqiiqo tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Kooxda Crystal Palace ayaa ah kooxda ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo ay xiddigeheedu dhaawacyo uga maqnaayeen 861 daqiiqo tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Kooxda Newcastle ayaa ku jirta kaalinta 3-aad waxana ay xiddigeheedu seegeen 760 daqiiqo halka Southampton oo ku xigta 708 daqiiqo seegeen xiddigeheedu.

Hadaba Sawirkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha daqiiqadaha ugu badan ku seegay dhaawaca ama xanuunka Caadiga ah xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE