La Ogaaday: Georginio Wijnaldum Oo Haatanba Heshiis U Saxiixay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Xagaaga, Mana Ahan Barcelona.

La Ogaaday: Georginio Wijnaldum Oo Haatanba Heshiis U Saxiixay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Xagaaga, Mana Ahan Barcelona.


Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa shaaca ka qaaday lama filaan ku saabsan mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ee kooxda Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona.

Laakiin wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in xiddiga khadka dhexe ee reer Holland haatanba heshiis u saxiixay kooxda Inter Milan si uu qaab xor ah ugu biiro xagaaga.

Warkan ayaa imanaya xilli kooxda Barcelona si aad ah u doonaysya saxiixa xiddiga xitaa tababare Ronald Komena qirtay in uu doonayo saxiixa xiddiga.

Laakiin sida u muuqata Barcelona ayaa lagu garaacay saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo heshiis u saxiixay kooxda Inter Milan si uu ugu biiro xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE