Lama Filaan: Kooxda Uu Erling Haaland Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday, Waa Koox Premier Leageu Ah.

Lama Filaan: Kooxda Uu Erling Haaland Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday, Waa Koox Premier Leageu Ah.


Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in uu xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo haatan ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican kubada cagta doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool si uu uga garab ciyaaro Tababare Jurgen Klopp.

Xiddiga Erling Haaland ayaa dagaal dhex-dhigay kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Kooxaha Man City, Chelsea, Man United Iyo Real Madrid ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer Norway kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Shabakada ayaa sheegaysa in uu xiddiga da’yarka ah doonayo in uu ka hoos ciyaaro Tababare Jurgen Klopp oo horay tababare ugu soo noqday kooxda Liverpool.

Warkan ayaa ah mid farxad galinaya Kooxda Liverpool marka la eego in si weyn loo filayo in ay Liverpool weeraryahan gool dhaliye ah suuqa u gasho xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE