Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gubdinayso Badalka Gini Wijnaldum.

Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gubdinayso Badalka Gini Wijnaldum.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab Rasmi ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Udinese ee Rodrigo De Paul sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Xiddiga 26 jirka ah ayay Liverpool u calaamdsatay Badalka xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo si xor ah uga tagaya kooxda xagaaga.

Udinese ayaa ogolaatay in uu xiddiga De Paul isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaag oo madaxiisa dul dhigay lacag dhan 30 milyan oo euro.

Laakiin Liverpool ayaa la sheegayaa in ay diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 26 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga reer Argentine ayaa kooxda Udinese kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2024 laakiin kooxda ayaa ku qasban in ay iska iibiso xiddiga xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE