Miyuu Karim Benzema Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Atletico Madrid? Zidane Ayaa Ka Jawaabay.

Miyuu Karim Benzema Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Atletico Madrid? Zidane Ayaa Ka Jawaabay.


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay fursadaha xiddiga kooxdiisa Karim Benzema ee kulanka adag ee horyaalka La Liga ee ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid.

Xiddiga Benzema ayaa ka maqnaa garoomada muddo 3 todobaad ah kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Valencia ee horyaalka La Liga.

Zidane oo la hadlaya Wargayska AS ayaa yidhi”Karim Benzema waxa ka qayb qaadan doonaa kulanka Atletico Madrid waana waxa aan doonayno”.

“Benzema wali wax tababar ah lama qaadan kooxda laakiin aan aragno waxa dhaca maalmaha soo socda”ayuu yidhi.

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah ugu dhibaatootay goolka hortiisa tan ilaa markii uu Karim Benzema ka maqnaa kooxdiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE