Paul Scholes: Bruno Fernandes Uma Qalmo In Uu Ku Guulaysto Xiddiga Ugu Fiican Premier League Halkan Arin Ayaana Sabab  U Ah.

Paul Scholes: Bruno Fernandes Uma Qalmo In Uu Ku Guulaysto Xiddiga Ugu Fiican Premier League Halkan Arin Ayaana Sabab  U Ah.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa sheegay in uuna xiddiga Man United ee Bruno Fernandes u qalmin in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka premier League sabab la xidhiidha in ay jiraan xiddigo badan oo Man City ah oo u qalma abaalmarinta in ka badan Fernandes.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda Red Devils ka caawiyay in ay kaalinta 2-aad kaga jiraan premier Legaue.

Laakiin Bruno Fernanes ayaa su’aalo laga keenay qaab ciyaareedkiisa marka uu ka hor tago kooxaha waaweyn ee premier League.

Scholes ayaana sheegay in uu xiddig Man City ah ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka premier League.

“Waxa uu Man United ku soo kordhiyay waa wax khaas ah”ayuu Scholes yidhi.

“Waxa uu caawiyay goolal sidoo kale dhaliyay goolal badan laakiin ma sameeyo marka uu ka hor tago kooxaha waaweyn”.

“Marka aad tahay xiddig Man United u ciyaara waa in aad kooxda guul ku hogaamiso kulamada waaweyn si ay kooxdu koobab ugu guulaysato”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE