Paul Scholes Oo Magacaabay Xiddig Liverpool U Ciyaara Oo Qaab Ciyaareed Waali Ah Ku Soo Bandhigi Lahaa Man United.

Paul Scholes Oo Magacaabay Xiddig Liverpool U Ciyaara Oo Qaab Ciyaareed Waali Ah Ku Soo Bandhigi Lahaa Man United.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes Ayaa sheegay in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigi lahaa Man United isaga oo sheegay in uuna xiddiga reer Spain ahayn xiddig ku fiican qaab ciyaareedka Jurgen Klopp.

Kooxda Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddiga Thiago xagaagii iyaga oo kala soo wareegay kooxda Bayern Munich oo uu champions League kula guulaystay.

Laakiin ilaa haatan Thiago ayaa ku fashilmay in uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigo kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan.

Paul Scholes oo la hadlaya Goal.com ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in qaab ciyaareedka Thiago in uuna ku fiicnayn qaab ciyaareedka Klopp”.

“Thiago waxa uu ku fiicnayahay in uu ka ciyaaro khadka dhexe ee weerarka waliba kubada u diro weeraryahanada laakiin Klopp haatan kama ciyaarsiiyo booskaas”.

“Thiago waxa uu ku fiicnaa Man United, waa xiddig awood leh waliba si fiican u difaacan kara waxana uu Man United ka caawin lahaa in uu halka dambe ka soo dhiso kubada”.

“Laakiin Liverpool sidaas ma ahan sababta oo ah kubada in badan ma hayaan waxa ay doonaaan in ay ciyaaraan ciyaar weerar orod ah”.


Source: laacibfm.com

SHARE